Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay deegaanka Janbaluul ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay guullo waa weyn ka gaareen dagaalkaasi.

“Dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Janbaluul ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaan khasaare ku gaarsiinay Al-Shabaab” ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here