Faahfaahino kasoo baxaya dagaallo culus oo dib uga qarxay gobolka Hiiraan

0

BUULOBURDE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo saaka dib uga qarxay deegaanada Yasooman iyo Beero-yabaal ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo ay sidoo kale qayb ka yihiin Macawiisleyda ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen deegaanadaas oo hoostaga degmada Buuloburde.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, islamarkaana uu weli soconayo dagaalka u dhexeeyo labada dhinac.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalladan, ayada oo labada dhinac ay guulo ka kala sheegtay dagaallada maanta dib uga qarxay halkaasi.

Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo howlgallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada DF iyo Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here