Faahfaahino kasoo baxaya howlgal xalay ka dhacay degmada Kaxda + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada ammaanka ka sameeyeen xaafadaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha degmada Kaxda, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan, ayada oo ay qayb ka ahaayeen saraakiisha ammaanka ee degmadaasi.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa la dagaalanka kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, sida uu shaaciyay maamulka degmada.

Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday howlgalka gacanta dhigay dad tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan baaris ku hayaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here