Faahfaahino kasoo baxaya weerar culus oo xalay ka dhacay duleedka Maxaas

0

MAXAAS (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ay Al-Shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen agagaarka degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Hoobiyeyaasha oo gaarayay illaa 5 madfac ayaa ku dhacay duleedka degmada, mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, sida uu xaqiijiyey maamulka degmada.

Ku xigeenka duqa degmada Maxaas oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sameeyeen howlgallo, kadib weerarkaasi.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray inay in la dabagalay ragga weerarka geystay, balse la waayey, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid daggan, waxaana agagaarka degmada Maxaas isku fidiyay ciidamada huwanta oo maanta dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gobolka Hiiraan, kuwaas oo u badan qaraxyo ay la beegsaneyso magaalooyinka gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here