Faallo: Golaha Shacabka oo ehel u noqday jahwareer iyo kooram la’aan

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha shacabka Soomaaliya oo ka kooban 275 kursi ayaa waqtigan ku sugan jahwareer curyaamiyey howlihii uu golahan qaban lahaa inta lagu guda jiro muddo xileeekiisa.

Fadhiyo badan oo uu golahu u madalsanaa ayaa u baaqday kooram la’aan, iyadoo aan si rasmi ah aan loo ogayn sababaha gundhiga u ah in ay xidlhibaanadu soo xaadiri waayeen kulamadaas.

Gudoonka golaha ayaa u muuqda mid aan u diiwaan gashaneyn xildhibaanada jira deggaanadooda ee qeybta ka ah howlgallada socda iyo kuwo bilaa u jeedada uga maqan fadhiyada, taas oo ah caqabada ugu wacan fashilka hareeyey qabsoomida kulama Aqalka Hoose

Sidoo kale waxaa in la taabto mudan, xildhibaanada golaha shacabka qaarkood ayaa marka ay ka hor hadlayaan barlamanka, gudoonka kala kulma caburin aragti, waxaana dhacda in buuq lagu furo xildhibaanka oo aan dhameysan daqiiqadihii loogu tala galay hadal jeedintiisa, taas oo soo de dejisa in kulanka uu ku soo gaba gaboobo fowdo iyo natiijo la’aan, xilli shacabku ay u dhag taagayeen nuxurka qodobada ka soo baxa golaha barlamanka.

Jahwareerka ka taagan fadhiyada Barlamanka ayaa sababi kara in laga habsaamo ama dib u dhac ay ku yimaadaan howlaha culus ee looga fadhiyo barlamanka 11 aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhameystirka dastuurka, meel marinta sharuucda kaabaya dowladnimada iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Dib u dhaca ay mutaan arrimahan ayaa wiiqaya kalsoonidii lagu qabay gollaha shacabka waana mid niyad jabineysa shacabka Soomaaliyeed oo in muddo ahba maanka ku hayey in barlamankan uu noqon doono mid ka duwan kuwii ka horeeyey, kaas oo ka caagan is jiid jiidkii iyo mowqif la’aantii ay ku caan baxeen barlamanadii dalka soo maray.

Aqoonyahanada qaarkood ayaa ku doodaya in waqtigan uu dalku u baahan yahay golle shacab oo xog ogaal u ah dhabaha uu dalku ku socdo, kaas oo dedaal ku bixiya dhisida adeegyada garabka u ah dowladnimada Soomaaliya ee dib usoo kabaneysa.

Dhanka kale qubaro badan oo daraaseeya dowlad wanaaga ayaa caqabada barlamanka ka taagan u sababeynaya nidaamka qabaa’ilka ee dalka ka jira, kaas oo door weyn ka qaadanaya in mudanayaasha barlamanka ay dhinac maraan masuuliyadooda, maaddaama ay ku soo baxeen doorasho aan daah furneyn, taas oo keentay in ay aaminaan in kuraasta ay ku matalaan beelahooda oo qura.

Wuxuu nidaamkan 4.5 sidoo kale hor istaagay in la helo xildhibaanno barlaman, kuwaas oo leh tayadii loo baahna, isla markaana aqoon iyo qibrad u leh waxa ay qabanayaan.

Si kastaba Golaha shacabka waa hagaha dowladnimada dalka maaddaama uu yahay hay’adda sharci dajinta, waxaana xubin walba oo gollahaasi fadhiya uu matalaa muwaadin Soomaaliyeed, taas oo qasab ka dhigeysa in farta lagu fiiqo qaladaadka iyo jahwareerka uu iminka dhex maquuranayo, si duleelada iyo tashuushka jira xal loogu helo, golahuna uu qabsado howlihii loo igmaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here