Facebook oo balaayiin dollar ku khasaartay ciladdii ku timid

0

MUQDISHO (SMN) – Mark Zuckerberg Milkiilaha Shirkadda Facebook ayaa qasaaray $6 billion oo dollarka Mareykanka ah saacado yar gudahood kadib markii ay hawada ka baxday Aaladda Facebook oo cilad ku timid iyo baraha kale ee ay Shirkaddu leedahay.

Zuckerberg oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Dunida ayaa waxaa soo wajahday culeys dhanka dhaqaalaha, maadaama saacado yar un qasaaray balaayiiin dollar ka Mareykanka ah.

Shirkadda Facebook ayaa Isniintii 4 October lumisay 49% dhaqaalaha Shirkadda, marka loo eego 15% oo ay qasaartay bartamihi bisha September.

13kii September Wargeyska Wall Street Journal ayaa bilaabay inuu daabaco qatarta ka imaankarta faafitaanka xogaha ku keydsan Facebook kadib markii uu Wargeysku ku sheegay balaarinta ay sameysay shirkadda.

Nick Clegg oo ah Madaxweyne ku-xigeenka shirkadda ee dhanka arrimaha caalamka ayaa iska fogeeyay wararka sheegayo qatarta ka dhalan karto faafidda siraha ku keydsan Aaladda Facebook.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here