Fahad Yaasiin oo farriin culus diray, kadib weerarkii Al-Shabaab ee DDS

0
La taliyaha amniga qaranka Fahad Yasiin

MUQDISHO (SMN) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda ammaan ee dalka.

Fahad Yaasiin ayaa farriin u diray madaxda sare ee dowladda, wuxuuna ugu baaqay in aysan fududeysan weerarkii ay Al-Shabaab uga talaabeen xadka Itoobiya, wuxuuna sidoo kale soo jeediyey in la dhiso xukuumadda, kadibna la sii amba qaado howlaha horyaallo.

Halkan hoose ka aqriso:-

In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga. 

Waxaan ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoose oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaranka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika:

1.  In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan. 

2.  In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan. 

4.  In la abuuro jawi kalsooni oo ku salaysan wada tashi joogta ah oo ku qotama ka hortagga khataraha amni ee wada khuseeya geeska, taasna lama heli karo inta Amniga Soomaaliya ay madax ka yihiin xubno shalay la safnaa Ururka TPLF markii ay la dagaalamaysay dowlada sharciga ah ee Adis-Ababa, qaar kalana ayba argagaxisada xiriir wada shaqeyn la leeyihiin, waana qodob khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo kan gobolka labadaba.

5.  Itoobiya waa dalka aan la leenahay xuduuda ugu dheer, ayna muhiim tahay in labada dal ay si buuxda isaga kaashadaan amniga iyo ka hortagga Argagixisada, waana in xiriirkeena aysan saamayn gurracan ku yeelanin dad dano khaldan leh, ama xiriir la leh kooxo khatar ku ah Nabadgalyada gobolka oo idil. 

Fahad Yasin,
Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here