Fahad Yaasiin oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – La-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saaka aroortii hore dib ugu soo laabtay dalka, isaga oo ka soo kicitimay wadanka Turkiga.

Fahad Yaasiin ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay diyaarad ah qaas keentay garoonka Aadan Cadde, waxaana kadib kasoo galbiyey ciidamo gaar ah oo geeyey madaxtooyada.

Socdaalka la-taliyaha amniga qaranka ayaa 17-kii bishan dib u dhacay, kadib markii diyaaraddii uu la socday laga celiyey garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Jabuuti.

Qorshaha Fahad Yaasiin ayaa ahaa inuu ka qeyb-galo shirka golaha amniga qaranka, si uu ugu soo bandhigo warbixin la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil, balse shirka ayaa dib loo dhigay.

Imaatinka Fahad Yaasiin oo uu horay xilka uga qaaday Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo Villa Somalia ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa madaxweynaha & ra’iisul wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here