Fahad Yaasiin oo u jawaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble

0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Email toos ah u diray Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha, isagoona kaga hadlay sida uu doonayo in isaga difaaco kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hadal heyn xoogan abuuray.

Fahad Yaasiin ayaa fariinta uu u diray Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ku dalbaday in warbixinta kiiska Ikraan Tahliil uu ka jeedin doono shirka Golaha amniga qaran oo ay ku jiraan Madaxda Maamul-goboleedyada, islamarkaasina xogta kiiskan uu shirkaasi kaga hadli doono.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo 48-saac u qabtay Agaasimaha Nisa Fahad Yaasiin ayaa laga sugayaa jawaab in uu ka bixiyo dalabka cusub ee taliyaha sirdoonka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here