Fanaanad Muno Xidigta oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

0

Alle ha u naxariistii Fanaanad Muno Daahir (Muno Xidigta) ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyey Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube Maareeyaha Golaha Murtida iyo madadaalada.

Alle ha u naxariistee Fanaanadad Muno Xidigta ayaa sida uu abwaanka sheegay waxa ay u geeriyootay xanuun kusoo booday habeen hore waxaana ay saakay aroortii u geeriyootay xanuunkii kusoo booday.

Fanaanada Muno xidigta ayaa Ka tirsaneed Hobolada Waaberi Puntland iyadoo markii danbe usoo wareegtay dhanka Magaalada Muqdisho sidaasna uga mid noqotay Hobolada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here