MW Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka musuqmaasuqa

0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goobjoog u ahaa Munaasabadda Dhaarinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka hufnaanta maaliyadda, dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, isaga oo muujiyey muhiimadda uu Guddigu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed si loo hirgeliyo hannaanka isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadeed ee Dalka.

“Maanta waxaa la idiin dhaariyey masuuliyad weyn oo heer qaran ah. Waxaan idin ka sugeynaa in aad xaqiijisaan hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adkeynta isla xisaabtanka, ilaalinta hantida shacabka iyo dabar goynta musuqmaasuqa oo dib u dhigay horumarka dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa in ay adkeeyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sagaalka xubnood ee Guddigan uu xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Caddaaladda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here