Finland oo taageeraysa Qamadiga Soomaaliya looga keenayo Ukraine

0

HELSINKI (SMN) – Finland waxay sheegtay inay taageeri doonto shixnadaha qamadiga ah oo WFP kasoo daabulayso dalka Ukraine, si loo soo gaarsiiyo Soomaaliya oo ka jirto abaar saameysay in ka badan 7.8 milyan oo qof.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa ku dhawaaqday inay ku dhawaad 16 milyan oo dollar ugu deeqday wax ka qabashadda abaarta Geeska Africa, lacagtaas oo 7 milyan oo kamid ah lagu bixinayso soo qaadista qamadiga Ukraine laga keenayo, ee kusoo wajahan dalka Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNCHR), Laanqeyrta Cas ee Finland iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa gaarsiin doona inta ka hartay gargaarka bini’aadantinimo, kuwaas oo diiradda saaraya sugnaanta cuntada iyo ilaalinta qaxootiga lagu qiyaasay 3.5 milyan ee ku sugan gobolka.

In badan oo kale oo gobolka ah, oo ku dhow 20 milyan, ayaa u baahan cunto gargaar ah. Geeska Afrika ayaa waxaa ka jira abaaro is xig xiga ka dib markii sanadkii shanaad oo xiriir ah aysan ka di’in roobabkii la filayay.

Kaalmadayada bini’aadantinimo waxay suurtogal ka dhigi doontaa in dadka la siiyo hoy, biyo nadiif ah iyo adeegyo caafimaad. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here