Gaadiid loogu talagalay xuduudaha dalka oo lagu wareejiyey hay’adda socdaalka

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Hey’adda Socdaalka Qaramada Midoobay (IOM) kala wareegay Gaadiid loogu talagalay in ay ka howlgalaan xuduudaha Dalka.

Gaadiidkaan oo ku qalabeysan qalabka Isgaarsiinta ayaa si toos ah ugu xirmi kara isgaarsiinta Xarunta dhexe ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo guud ahaan xarumaha Laamaha ay hey’addu ku leedahay gobolada dalka. Madaxa howlaha Hey’adda IOM ee Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn agaasimaha ayaa uga Mahad celiyay hey’adda IOM wadashaqeynta dhow ay la leeyihiin Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here