Al-Shabaab oo ‘gubay gaari Dameero raashin u siday’ degmada Waajid

0

WAAJID (SMN) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dab qabadsiiyeen sagaal gaari dameer oo siday badeecooyin kala duwan oo u rarnaa ganacsato, kuwaas oo u socday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay iney wadada u galeen gaadiidkaasi, kadibna ay gubeen, balse waxaa goobta ka baxsaday dadkii la socday gaari Dameeradaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, Waajid ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka waa weyn ee ay go’doomiyeen dagaalayahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here