Gabar ku baastay imtixaankii dowladda oo lagu dilay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Alle ha u naxariistee Hibo Qaasim oo aheyd ardayad shalay ku baastay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Ragga dilka fuliyey ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay adeegsadeen Mindi oo ay dhowr meel kaga dhufteen marxuumadda.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaalad hesho gabadhooda, si sharciga loo horkeeno ragga dilka u geystay.

Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal iyo dhac ay geystaan kooxo burcad ah oo dhibaato weyn ku hayo dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here