Galmudug oo amartay in la dadajiyo doorashada golaha shacabka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku soo laabatey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kadib safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Guddigga doorashooyinka Galmudug in ay dadajiyaan doorashada gollaha shacabka ee kuraas ka mid ah taalo Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale Gudigga u soo jeediyay in ay si siman ugu cadaalad sameeyaan musharaxiinta danaynaya kuraasta taala Galmudug, isla markaana la ilaaliyo xaqa dastuuriga ah ee muwaadin walba u leeyahay in uu wax doorto iyo in la doorto.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid oo ay soo laabashadiisa Safarkan garoonka Dhuusamareeb waxaa kusoo dhaweeyeen inta badan gollaha Wasiirada Galmudug ayaa Xarunta inji oo ay ku yaalaan tirada ugu badan ee Wasaaradda Galmudug kaga war qaatay Mas’uuliinta ay ka socotay Wasaaraddaha, Amniga, Beeraha, Biyaha, Dastuurka iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka kuwaa oo dhammaantood Warbixin guud ka siiyay howlaha u qabsoomey mudadii uu maqnaa ee doorashooyinka, xaaladaha Biyo yarida, Amniga doorashada iyo hannaanka ka hortagida falalka Amni daro ee ka dhici kara goobaha loo nakh raacey ee roobabku ka curteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here