DHUUSAMAREEB (SMN) – Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga dowlad goboleedka Glamudug ayaa si adag uga hadashay saddex oday dhaqameed oo isku dhiibay Al-Shabaab.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in odayaashan ay u hoggaansameen awaamiirta Al-Shabaab, islamarkaana tegeen deegaanada ay maamusho kooxdaasi.
Magacyada saddexda oday ayaa waxaa lagu kala sheegay Sugaal Warsame Cali, Cali Yare Axmed Xayle iyo Cumar Maxamed Jimcaale.
Halkan hoose ka aqriso:-