Galmudug oo dib u dhigtay doorashada saddex kursi + sababta

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddiga SEIT ee Galmudug ayaa hal maalin dib u dhigay doorashada saddex kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda dib loo dhigay ayaa kala ah HOP#095, HOP#038 iyo HOP#069.

“Guddigu wuxuu hal maalin dib u dhigay shaacinta Guddiga Xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038 iyo HOP#069, waxaana la shaacinayaa Maanta oo Jimcaha oo Taariikhdu tahay 11/03/2022,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in beri oo Sabti la bilaabayo diiwaangelinta xubnaha musharixiinta, kadibna doorashada la qabanayo maalinta Axada ah oo ku beegan 13/03/2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here