Galmudug oo faah faahin ka bixisay dagaalladii ka dhacay gobolka Mudug

0

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa ka faah faahin ka bixiyay howlgalada saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen deegaano hoostega Bacaadweyne oo horey u qabsadeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ciidamada ay gacanta ku hayaan deegaanada kala ah Bacaadweyne, Tuulooyinka Qeycad iyo Hareeri dheer, isla markaana laga saaray Al-Shabaabkii ku sugnaa halkaasi.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay dib u qabsadeen Bacaadweyne oo shalay ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here