Galmudug oo faah faahin ka bixisay weerar xalay ka dhacay Dhuusamareeb

0

Afhayeenka maamulka magaalada Dhuusamareeb, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) oo war qoraal ah soo saaray ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay degmadaasi.

Bashiir Sanka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ay haatan ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi oo uu ku tilmaamay inuu mid wuxuushnimo ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan katacsiyaynaa aniga oo kuhadlaya afka maamulka Caasimada Galmudug iyo kayga falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay ganacsato howlahooda shaqo ee gaarka haystay,kuwana lagu dhaawacay.

Waxaan alle uga baryaa marka hore inuu naxariistiisa janno mida ugu sarraysa siiyo inta inaga baxday,qabrigana waasac uga dhigo,kitaabkooda gacanta midig kasiiyo,janatul firdowsa kawaraabiyo,inta dhaawacaana ubooga dhayo.

Dhamaan caruurta,xaasaska,waalidka,ehelka iyo asxaabta ay kabaxeena in Alle Samir jamila ugu badalo.

Waxaan intaa kadib bulshada deegaanka usheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu kuraadjogaan,cadaaladana lahorkeeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii alle idmo.

Waxaan ugu dambayn bulshada Caasimada Galmudug dagan iyo deegaanada hoosyimaada kacodsnaa inay lashaqeeyaan ciidamada amniga si looga baaqsado in waxii xalay dhacay aysan mardambe dib udhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here