Galmudug oo gacanta ku dhigtay rag dilal ka geystay gobolka Mudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug oo saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo ka sameeyey gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay shaqsiyaad lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dilal ka dhacay qeybo ka mida gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ragga la soo qabtay ay gaarayaan illaa todobo ruux, isla-markaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, maadaama lagu eedeeyey dilal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Dhagtuux ee gobolka Mudug.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in raggaasi loo soo gudbiyey magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana lagu xiray saldhigga degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here