Galmudug oo maanta bilaabeyso doorashada xubnaha Golaha Shacabka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, taas oo bilow u ah xubnaha xildhibaanada ah ee ka imaanaya Galmudug.

Labada kursi ee doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#104 iyo HOP#026, waxaana xubnaha u tartamaya ugu cad-cad Mahad Cabdalle Cawad iyo Yuusuf Geelle.

Sidoo kale xildhibaanada cusub waxaa soo dooran doono ergo lasoo xulay, midkiina waxaa u codeynaya illaa 101 ergo ah, sida ku cad heshiiska horay laga gaaray doorashooyinka.

Galmudug ayaa noqoneysa maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, waxaana ku xiga Koonfur Galbeed oo haatan diyaar garow xoogan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here