Galmudug oo qabaneyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddiga hirgelinta maamulka doorashooyinka ee dowlad goboleed Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qabanayo doorashada afar ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadooda lagu qaban doono Dhuusamareeb ayaa waxaa ku tartamid doono musharaxiin dhowr ah kuwaas oo shalay la siiyay shahaadada Musharaxnimo, waxana kuraasta doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin:-

1-HOP#138 waxana ku wada tartami doono Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Musharax  Naciimo Xuseen Cali

2:Hop#007 waxaa ku wada tartami doono Faarax Cabdi Diini iyo Maxamed Cabdi Cali

3: Hop#040 waxa isna kuwada tartami doono Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xasan Cabdi Jaamac

4: kursiga afaraad eee Hop#053 ayaa isna waxaa ku tartami doono 7 haween ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here