Galmudug oo qabaneyso doorashada 5 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shaaca ka qaaday in Galmudug ay bilaabeyso doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xildhibaanada ka imaanaya deegaanada maamulkaasi.

Qoor Qoor ayaa sheegay in beri wixii ka dambeeya ay guda galayaan doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Galmudug.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5-ta xubnood ee ugu horreysa doorashada Aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib socdaal uu ra’iisul wasaaraha ku tegay magaalada Dhuusamareeb, si loo dardar-geliyo doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here