Galmudug oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Qaayib

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Galmudug, Mudane Axmed Shire Falagle oo wareysi gaar ah siiyey Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Falgale ayaa sheegay in ciidamada Galmudug iyo kuwa deegaanka ay iska difaaceen weerar ku billowday qaraxyo o ay Al-Shabaab ku qaaday deegaankaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku dileen illaa 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ka gubeen gawaari, inta uu socday dagaalka oo ahaa mid culus.

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhankooda uu dagaalka uga dhigtay taliyihii hore saldhigga Booliska degmada Cadaado, sidoo kalena ay dagaalka ay ku geeriyoodeen illaa 3 qof oo kale oo ahaa shacab, kuwaas oo ay rasaastu haleeshay.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here