Galmudug oo war cusub ka soo saartay xaaladda degmada Xarardheere

0

XARARDHEERE (SMN) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Cumar Maxamed Diiriye oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyay xaaladda degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

 

Diiriye ayaa shaaciyay in shacabkii ku noolaa degmada ay barakaceen intii uu socday howlgalka qabashada, wuxuuna tilmaaamay inay qasbeen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray dadka shacabka ah, isaga oo ka dalbaday inay dib ugu soo laabtaan xaafadahooda, maadaama ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa intaasi kusii daray in ay gurmad gaarsiinayaan qoysaska ka barakacay magaaladaasi, si loogu muujiyo garab istaag.

Xarardheere ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab oo muddo sanado ah ka talineysay halkaasi, waxaana haatan gacanta ku haaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgalada ka wada koonfurta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here