Galmudug oo war ka soo saartay Agaasime lagu afduubtay Caabudwaaq

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa si adag uga hadashay afduub xalay ka dhacay degmada Caabudwaaq oo dhacda waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

War kooban oo ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay inay cambaareynayaan afduubkaas oo lagula kacay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi iyo shaqaale la socday.

Falkan ayaa waxaa geystay maleeshiyaad beeleed hubeysan, kuwaas oo ka carooday habka loo maamulay dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka:-

Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022.

Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka. Dowlada Waxay u mahadcelinaynaa Suldan Ahmed Garbacune iyo Odayashii uu hogaaminayay ee ku gulaystay in ay so dayaan Shaqalihii shalay la afduubay.

Galmudug waxay muhiimada kowaad sinaysa Dhismaha Dowladaha hoose ayado sanadkaan anu ku jirno ay dhismen ila iyo shan dagmo

Ugu danbeyn Galmudug Waxaay faraysa hay’adaha Amniga in Amniga Dagmada caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here