Galmudug oo war kasoo saartay dagaallada ka socda gobolka Mudug

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay dagaallada weli ka socda gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in shantii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay howl-gallo ka wadeen koonfura gobolkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in howl-galladaasi khasaare iyo jab xoogan lagu gaarsiiyey dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

“Aragagixisada ayaa jab iyo khasaaro xooggan la gaarsiiyey ayadoo ciidamada huwanta ahi ay la wareegeen goobo istaatiiji ah oo ay ka mid yihiin Qodqod iyo Qaycad, loona ruqaansaday dhanka Camaara, Shacabka deggan deegaanada koofurta Mudug ayaa ku soo warramaya in Shabaab ay ka guurayaan magaalooyinka iyo tuulooyinkii ay sanado badan ku sugnaayeen, una guurayaan dhanka koofurta,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Galmudug.

Xaaladda deegaanada lagu dagaallamay ayaa weli aad u kacsan, waxaana xiisaddu ay ka taagan tahay inta u dhexeysa deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here