Galmudug oo war kasoo saartay duqeyn ka dhacday gobolka Mudug

0

Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in duqayn cusub oo ka dhacday koonfurta gobolka Mudug lala beegsaday saldhig ay leeyihiin dagaalyahanada Al-shabaab.

War ka soo baxay wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degaan u dhexeeya Qaycad iyo Hareeri-dheere.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ay hore u galeen degaanka duqaynta lala beegsaday.

Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri-dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here