Galmudug oo xogta xildhibaannada labada Aqal ku wareejisay guddiga FEIT

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddoomiyaha guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed Maxamed Daahir Guuleed, ayaa xogta iyo galalka Xildhibaannada labada Aqal ee deeggaan doorashadoodu tahay Galmudug oo dhamaystiran ku wareejiyay Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban heer Federaal (FEIT).

45 Xildhibaan ee laga soo doortay Galmudug oo kala ah 37-da kursi ee golaha shacabka iyo 8 kursi oo aqalka sare ayaa diiwaankooda dhamaystiran lagu wareejiyay wakiilka Guddiga Doorashada heer Federaal (FEIT), ee Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan sido kale waxaa wareejinta goob joog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga SEIT Galmudug, FEIT iyo xubno ka socday guddiga Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal ayaa 16-ka Maarso 2022 sheegay in 24-ka Maarso 2022  ay hubin doonaan dhammaan xogta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa lagu waday in ay soo idlaato 15 march 2022 balse dib u dhac kale ayaa ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here