Ganacsade caan ahaa oo xalay lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay ganacsade caan ka ahaa Muqdisho oo deganaa deegaankaas kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekeeye.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Masaajid ku yaalla halkaasi, wuxuuna la kulmay rag la sheegay inay ahaayeen burcad dooneysay inay ka dhacaan taleefoonka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in uu muran soo kala dhex-galay burcadda iyo ganacsadaha, kadibna ay ku dhufteen dhowr xabadood, ayaga kadib baxsay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, waxaana maydka Marxuumka loo soo qaaday magaalada Muqdisho, ayada oo la geeyey xarunta hay’adda CID-da.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo hareeraheeda, xilli ay dowladda waddo howlgallo ka dhan ah Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here