Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Muwaadin Soomaali ah ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Cape Town ee South Africa, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ahaa Dhallinyarada Soomaalida eetagay goobtii uu falka ka dhacay.

Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Xuseen, waxaana sida la sheegay toogtay koox burcad South Africa ah xilli uu watay Gaarigiisa.

Falkaan dilka ah ayaa habeenadii  xalay ka dhacay deegaan hoos yimaada Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, kooxda burcada ah ee dilka geystay ayaa sida la sheegay  goobta isaga baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here