Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika + Magaca

0

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay inay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ku Ganacsada  gudaha Koonfur Afrikan .

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Kaariy, ayaa Koox Burcada ah waxaa ay ku dileen meel aan ka fogeen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla gobolka Limpopo ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ayaa sheegay in Ragga dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka muwaadinkan.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxdii dilka geysatay.

Todobaadkii hore ay aheyd markii muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Gudaha dalkaa, halka  mid kalena lagu dhaawacay, Dalka Koomfur Afrika ayaa sanad walba si bareer ah loogu dilaa dadka Soomaaliyeed gudaha dalkaasi ku Ganacsada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here