Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaali ah oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi lagu dilay duleedka magaalada Cape Town.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdullahi Gacaney ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ayaa sidoo kale shaaciyey in isna toogasho lagu dilay ninkii dambeeyey falkaasi oo isku dayey inuu baxsado.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse ka aysan hadlin.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here