Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Kooxo Burcad Koonfur Afrrikan ah, ayaa waxay dileen Muwaadin Soomaaliyeed, oo kamid ahaa dadka ku Ganacsado dalkaas Koonfur Afrrikan, dilka kadib ayaa la sheegay in Kooxdii Burcada aheed ay goobta isaga baxsadeen.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi, ayaa wxaa lagu dilay deegaanka Khayelitsha ee Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Qaar ka mid ah Dadka Soomaaliyeed, eek u sugan magaalada Cape Town, ayaa sheegay in goobta uu dilka ka dhacay ay tageen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo bilabay baaritan la xiriira dhacdada dilka.

Degaanka Khayelitsha, ayaa ah deegan isku raran ah oo ganacsiyo xoogan ay ku leeyihiin dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida ugu horeeyso, waxaana dhaw jeer ka dhacay dilal loo geystay muwaadin Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here