Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

CAPE TOWN (SMN) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay guda dalkaas lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Guguleti hoostaga magaalada Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay marxuumiinta ku dhex dileen goobahooda ganacsi oo aan sida u kala fogeyn, waxaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa goobta gaaray, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah.

Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal ka dhan ah Soomaalida, waxaana maalmihii u dambeeyey kordhayey weerarada loogu geysanayo goobahooda ganacsi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here