Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika + Magacyada

0

CAPE TOWN (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah dalkaasi ugu geysteen laba muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaas  oo ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqa dalkaasi.

 

Marxuuminta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray abdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras waxaana lagu toogtay goob ganacsi oo ku taalla deegaanka Happy Valley oo hoostaga magaalada Cape Town.

Sidoo kale kooxaha burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, ayada oo goor dambe maydadka marxuuminta laga qaaday halkaasi.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sidoo kale tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana loogu geystaa dil, dhaawac iyo dhac intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here