Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka K/Afrika

0

JOHANNESBURG (SMN) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ganacsato Soomaali ah dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha dalkaasi.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Queenstown ee gobolka Eastern Cape, iyada oo lagu dilay ganacsade lagu magacaabi jiray  Salmaan Cabdullahi Cismaan oo ku sugnaa magaalada Queenstown ee gobolka Eastern Cape.

Wararla ayaa sheegay in Marxuumka ay weerar ku qaadeen kooxo burcad Afrikaan ah oo u dhacay dukaankiisa, kadibna dilay, iyaga oo dilkiisa u adeegsaday toorey.

Sidoo kale weerarka labaad oo ka dhacay degmada Cosmo City ee hoostaga magalada Johannesburg ayaa waxaa lagu dhaawacay muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cismaan Cabdullaahi Maxamed, kaas oo isna ay weerareen burcad kale, waxaana la sheegay inay dhac u geysteen dukaanka muwaadinkaas Soomaaliyeed.

Inta badan waddanka koonfur Afrika waxaa ka dhacay weeraro iyo dhibaatooyin loo geysto Soomaalida faraha badan ee ku nool magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here