Garoonka Aadan Cadde iyo waddooyinka Muqdisho oo la xiray + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hakad-gelisay dhaq-dhaqaaqyada garoonka Aadan Cadde iyo waddooyinka magaalada Muqdisho, sababo la xiriira imaashaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta ku soo wajahan gudaha caasimadda.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay shacabka in maanta la joojiyay duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah 28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo (6am illaa 6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta dib u dayactir” ayey tiri Hay’addu.

Sidoo kale hay’adaha amniga ayaa ka hadlay waddooyinka xiran ee Muqdisho, waxayna shacabka ka dalbadeen inay dulqaad muujiyaan muddada ay xiran yihiin jidadka.

“Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa marka uu soo gaaro Muqdisho wadahadallo la yeelan doono dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna booqashadiisaku soo aadeysaa, ayadoo haatan Muqdisho ay ku wada sugan yihiin hoggaamiyeyaasha maaamul goboleedyada oo ka qaybgalaya shirka Golaha Wadatashiga ee ka socdo Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here