Dagaal khasaare xoogan geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Bohol Garas oo hootaga degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey laba Maleeshiyo Beeleed, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka dhexmaray labada Maleeshiyo Beeleed ayaa la sheegay inuu salka ku haayo murun la xiriira lahaansho dhul ku yaala deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka labada Meleeshiyo beeleed ku dhintay ilaa 6 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland oo ka hadlay dagaal beeleedka Bohol Garas ka dhacay ayaa ugu baaqay labada Maleeshiyo iney si deg deg ah ku joojiyaan dagaalka u dhaxeeya wax walbana ay miiska wadahalka ku dhameystaan.

Sidoo kale Waxuu intaasi ku daray iney deegaanka lagu dagaalamay ay geeyn doonaan ciidamo kala dhexgala labada Maleeshiyo beeleed ee dirirtu u dhaxeyso.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana socda dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka oo looga hortago dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here