Geedi oo ka digay in la siyaasadeeyo iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka

0

MUQDISHO (SMN) – Xilli saacadihii lasoo dhaafay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ku qoray bartiisa facebook-ga in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya u haysato qaaraankii golaha guud, ayna dhex fadhin doonto iyada oo cod la’aan ah ayaa waxaa arintaasi ka hadlay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka,Mudane Cali Maxamed Geedi.

Geedi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay sumcad dilka Soomaaliya oo kasoo kabaneyso burbur iyo xaalado kale oo is-biirsaday.

“Ma ahan in la siyaasadeeyo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Cali Maxamed Geedi oo la hadlay Shabelle

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in Soomaaliya ay laf ahaanteedu caawini jirtay wadamo dibadda ah, iyada oo aysan jirin wax dano gaar ah oo ay ka lahayd, sida uu sheegay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay nasiib darro tahay in haatan taageerada ay Soonaaliya ka hesho caalamka laga dhigo mid iyada lagu gumeysanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here