Golaha Ammaanka ee QM oo shir ka yeelan doono arrimaha Soomaaliya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya – qodobbada ay ka hadli doonaan waxaa ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadamnimada.

Golaha Waxaa warbixinno kooban siin doona  Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira,oo shirka ka qayb gali doono.

Shirka golaha ammaanka ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana magaalada Muqdisho ay ka socdaan wada-hadallo ku saabsan doorashooyinka dalka ee dhacaya sanadkan 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here