Golaha Ammaanka oo ka shiraya dib u eegista cunaqabateynta hubka ee Somalia

0

NEW YORK (SMN) – Golaha amaanka ee QM ayaa la filayaa inuu kulan gaar ah ka yeesho dib u eegista qaraarka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo 1992, kaasoo tirsigiisu yahay 751.

Dowladda Ingiriiska oo hadda haysa shir gudoonka Golaha Amaanka ayaa soo gudbisay ajandaha waxka bedelka loogu sameynayo qaraarka, iyadoo la filayo in diiradda lagu saaro xeebaha Soomaaliya oo la sheegay inuu kasoo dego hubka sharci darrada ah iyo dhoofinta dhuxusha ee la mamnuucay 2012.

Golaha amaanka ayaa sidoo kale la rajeynayaa inay soo saaraan go’aano cusub oo lagu qafiifinayo xayiraada dhanka hubka, si Ciidanka Soomaaliya loo qalabeeyo, maadaama dagaal kula jiraan Al-Shabaab.

Qaraarka qabyada ah ayaa sidoo kale dib loogu cusbooneysiinayaa shaqada guddiga khubarada ee u xislaaran la socodka cunaqabateynta Soomaaliya loo la gaarsiinayo waqtiga howlgalkiisa ilaa 15ka December 2023.

Dhanka Soomaaliya, dowladda ayaa ku baaqday in laga qaado cunaqabateynta hubka, iyadoo ku doodaysa in cunaqabateyntaasi ay xadideyso inay hesho hubka muhiimka ah ee lagula dagaalamo Al-Shabaab.

Iyadoo la eegayo dalabka dowladda Soomaaliya, xubnaha Gollaha Amaanka ayaa dib u eegis ku sameynaya qaraarka 751, si ay u muujiyaan in nidaamka cunaqabateynta uu yahay in lagu taageero hubka iyo maareyntiisa, waxayna sheegeen inay taageerayaan in hoos loo dhigo khatarta Al-Shabaab.

Goluhu wuxuu ka codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inuu qiimeyn farsamo ku sameeyo awoodda maamulka hubka iyo rasaasta Soomaaliya, uuna soo bandhigo warbixin horudhac ah oo ka caawin kara Golaha dib u eegista xayiraada.

Intii lagu guda jiray booqashadii kooxda farsamada ee Gollaha Amaanka ku timid Miqdisho 16 ilaa 27 July, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay ku celiyeen codsigooda in laga qaado dalka cunaqabateynta hubka.

Warbixinta Gudiga oo la soo gudbiyay 15-kii September, ayaa lagu sheegay in “Soomaaliya ay ku socoto hannaan wanaagsan oo dhanka maamulka hubka iyo rasaasta ah” balse waxaa lagu xusay caqabadaha joogtada ah ee u baahan in ay wax ka qabtaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Qaraarka ayaa u oggolaaday Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), hawlaha tababbarka iyo taageerada Midowga Yurub, Turkiga, UK iyo Mareykanka in ay taageero iyo tababarro siiyaan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here