Golaha Ammaanka oo maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

0

NEW YORK (SMN) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan Soomaaliya.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab iyo sidoo kale xaalad macluul daran oo la saadaaliiyay.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber ayaa golaha warbixin siin doona xaaladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa xilligan wajaheyso xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha iyo sidoo kale dagaallo culus oo u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here