Golaha Shacabka Soomaaliya oo ansixiyay sharci muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Cumar Abshiroow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 10-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa

1.Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman
2.Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
3.Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amnigga Gudaha 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢 “Xagaa’ ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka ka hor akhriyay Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Intaasi kadib Xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Arkatiyo kala duwan oo ay xildhibaanada kadhiibteen kadib Guddoomiye ku xigeenka 2aaad ee golaha shacabka oo shir Guddoominayay kulanka ayaa Xoghayaha guud ee Golaha faray in sharcigaan lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamuladda Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, si ay ugu soo diyaariyaan aqrinta labaad ee sharcigaaan.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay Akhrinta 2-aad ee 𝑯𝒊𝒏𝒅𝒊𝒔𝒆 𝑺𝒉𝒂𝒓𝒄𝒊𝒚𝒆𝒆𝒅𝒌𝒂 𝑪𝒖𝒏𝒂𝒒𝒂𝒃𝒂𝒕𝒂𝒚𝒏𝒕𝒂 𝑴𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂𝒅𝒆𝒆𝒅 𝒆𝒆 𝑪𝒂𝒚𝒊𝒎𝒂𝒏 Xildhibaanada ayaa doodooda u badneyd toosin, wax ku darid iyo wax kabadal.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada oo ku amaanay xildhibaanada BJFS shaqada adag iyo dooda ay ka yeesheen sharcigaaan ayaaa ka codsaday in ay anisxiyaaan maadaama xildhibaanada intooda badani ay dooddoodu ay ku saleysneeeyd in waxtar uu u leeyahay sharcigaan dalka intaas kadib Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa cod galiyay sharcigaaan waxaana u codeeyay 140 xildhibaan waxaana diiday 3 xildhibaan wax ka aamusayna majiro.

Intaas kadib Wasiirka wasaarada arimha Gudaha XFS 𝗠𝘂𝗱𝗻𝗲 𝗔𝘅𝗺𝗮𝗱 𝗺𝗮𝗰𝗶𝗹𝗶𝗻 𝗳𝗶𝗾𝗶 ayaa Mudunayaasha ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha
Waxa uuna sheegay in muhiimad weeyn uu uleeyahay dalka sharcigaan Xildhibaabadana looga baahanyahy in ay meel mariyaan.

Ugu danbeeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗔𝗯𝘀𝗵𝗶𝗿𝗼𝗼𝘄 oo shir Guddoominayay kulanka ayaa Xoghaya Guud ee Golaha shacabka faray in uu sharciga ku wareejiyo Guddiga Arimaha guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS,Intaas Kadib Guddoomiye Abshirow Ayaa Kulanka Soo Xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here