Golaha Wadatashiga Qaran oo la kulmay ururada bulshada rayidka ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maalintii saddexaad ayaa waxaa maanta ka qeyb-galay bulshada rayidka ah iyo haweenka.

Golaha ayaa talooyinkooda ku aadan xaaladda cakiran ee dalka iyo hannaanka doorashada ka dhageystay ururada bulshada rayidka ah.

Sidoo kale haweenka ayaa si gaar ah uga hadlay ilaalinta qoondada haweenka ee baarlamaanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed  oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka ra’iisul wasaare Rooble.

Shalay waxaa shirka ka qeyb-galay wakiilada beesha caalamka iyo sidoo kale xubnaha midowga musharixiinta oo la kulmay Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here