Golaha Wadatashiga Qaran oo shir la leh Midowga Musharixiinta + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan shir la leh Midowga Musharrixiinta Mucaaradka oo maanta ku biiray wada-hadallada ka socda Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan tabashada ay Musharixiinta ka muujinayaan hannaanka doorashada ee dalka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka la soo gaba-gabeeyo gelinta dambe ee maanta, iyada oo la shaacinayo go’aannada ay isla gaareen madaxda Golaha Wadatashiga.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad kala guur ah, iyada oo wada-hadallada Rooble iyo madax goboleedyada diiradda lagu saarayo, sidii looga gudbi lahaa marxaladda taagan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here