Golaha wakiilada Somaliland oo doortay guddoon cusub

0

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah doortay guddoomiye, ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa loo doortay, Mduane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Cabdirisaaq ayaa 42 cod kaga guuleystay, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo isna metalayey xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, kaas oo helay illaa 39 cod.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa loo doortay, Siciid Mire Giirre oo ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID , halka guddoomiye ku xigeenka labaadna uu ku soo baxay Cali Xaamud Jibriil oo ka tirsan isla xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here