Golaha wasiirada oo agaasime cusub u magacaabay Hey’adda Socdaalka

0

MUQDISHO (SMN) -Golaha Wasiirada XFS ayaa ansixyay in Cabduqaadir Cilmi Cali uu noqdo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha kadib soo jeedin Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo xilkii laga qaaday Agaasimihii hore Maxamed Aadan Koofi.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay in Eng Cabduqaadir Aadan Maxamuud inuu noqdo Guddoomiyaha Batroolka Soomaaliyeed kadib soo jeedin Wasaaradda Batroolka.

Kulanka golaha wasiirada ee ay maanta yeesheen ayaa ahaa mid gaar ah, wuxuuna ku soo aaday xilli adag oo xasaasi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here