Golaha wasiirada oo la horgeyn doono xeerka maamulka ganacsiga Batroolka

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka ,Maxamed Xaashi Carrabey ayaa sheegay inay sameeyeen xeerka dareere hoosaadka ee maamulka ganacsiga Batroolka dalka.

Agaasimaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay inay la tashiyo kala sameeyeen maamulka Gobolka Banaadir, qeybo ka mid ah iskaashatooyinka shidaalka iyo rugta ganacsiga si ay iyaguna ula wadaagaan ganacsatada.

Maxamed Xaashi Carrabey, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa sidoo kale sheegay inay dhowaan soo gaba-gabayn doonaan xeerkaas iyo la tashigiisa intaa ka dibna ay u qeybin doonaan golaha Wasiirrada, isagoo xusay inay door ku yeelan doonaan maamul goboleedyada dalka.

Agaasimaha ayaa u mahad celiyay Ganacsatadii gacanta ku soo haysay maamulka shidaalka dalka xilligii dowlad la’aanta, wuxuuna xeerkani ku tilmaamay mid meesha ka saarayo sabbaynta sicirka shidaalka iyo kala duwanaashaha tayadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here